Puntland oo soo saartay amar la xiriira dagaalkii ka dhacay Badhan

Dowladda Puntland ayaa ku amray ciidamo beeleedyadii shalay ku dagaalamay degmada Badhan ee gobolka Sanaag in ay kaga baxaan gudaha magaalada inta ka horreysa berri subax labo saac.

Puntland waxay sheegtay in waqtigaas wixii ka dambeeya hubkii iyo ciidankii ay ku dhex aragto gudaha magaalada Badhan ay ka qaadayso tallaabo sharciga waafaqsan.

Go’aankan waxaa soo saaray Gudidda Amniga gobolka Sanaag oo ay weheliyaan taliyaha ciidanka booliiska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire iyo wasiir-dowlaha wasaaradda amniga Gen. Fu’aad Xanaano.

Dhanka kale, Puntland waxay sheegtay in dagaalkii shalay ay geeriyoodeen labo qof, islamarkaana ay ku dhaawacmeen saddex kale.

PUNTLAND POST