Dowladda Soomaaliya maxay ka tiri askarigii aanada loo dilay?

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay wado baaritaanno ku saabsan dhacdadii lagu dilay D/le Axmed Shire Xuseen oo maalmo ka hor aano qabiil loogu dilay deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxay tilmaantay in aysan meelna uga harayn falka askarigan lagu dilay, iyada oo xustay in aan la aqbali karin fal kasta oo wax u dhimaya nolosha, karaamada iyo amniga xubnaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Bayaan ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka ayaa lagu yiri “waxaan caddeynaynaa in baaritaanno lagama maarmaan ah oo ku saabsan dhacdadan ay socdaan, waxaana la qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka ku habboon ee waafaqsan sharciga iyo nidaamka ciidanka, si loo xaqiijiyo xaqiiqada dhacdada, loona ogaado cid kasta oo ku lug leh”.

Dhacdadan askarigan lagu dilay waxaa ka hadlay mas’uuliyiin badan oo ay ku jiraan madaxdii hore ee Soomaaliya, kuwaas oo si adag u cambaareeyay.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in ay arrintan ay keentay dowladnimada Soomaaliya oo sii daciifaysa.

PUNTLAND POST