
Xuutiyiinta Yemen ayaa 48 saac ee la soo dhaafay qabsaday dhul badan oo istiraatiiji ah oo ay ka mid tahay magaalada dekedda leh ee Mokha oo ku taalla galbeedka dalkaas, islamarkaana u dhow Badda Cas.
Ururka xiriirka la leh dowladda Iraan ee Xuutiyiinta ayaa hadda qiyaastii 60 km u jira marin-biyoodka muhiimka ah ee Baabul-Mandab, kaas oo ay maraan 12% ganacsiga adduunka.
Baabul-Mandab oo sidoo kale ah afaafka hore ee laga galo Gacanka Cadmeed waa marin dhanka badda ah oo isku xira ganacsiga Aasiya, Yurub iyo Afrika.
Xuutiyiintu waxay sheegeen in aan loo arkin qabsashadooda Baabul-Mandab ama ku dhawaanshahooda in ay khatar ku tahay maraakiibta caalamiga ah, balse waxay mar kale ku hanjabeen in ay bartilmaameedsan doonaan maraakiibta xiriirka la leh dowladda Sacuudiga.
Dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen, islamarkaana Sacuudigu taageero iyo xoogag Imaaraadku taageero ayaa 48 saac ee la soo dhaafay laga qabsaday dhul badan oo istiraatiijiya, iyada oo Xuutiyiintu la soo baxeen awood aan la malaysanayn.
PUNTLAND POST