Puntland: Dagaal ka dhacay degmada Badhan

Dagaal u dhexeeya labo beelood ayaa maanta ka dhacay gudaha magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, kaas oo gaystay khasaare kala duwan.

Dagaalka oo muddo labo saac ku dhow socday waxaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan kuwa gaadiidka la saaro ee loo yaqaan tiknikada.

Weli lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah ee dhimasho iyo dhaawac ee dagaalku sababay, mana jirto weli cid kala dhexgashay labada dhinac.

Dagaalkan wuxuu daba socdaa dagaallo muddo sanad iyo bar ah ka dhacayay miyiga gobolka Sanaag, kuwaas oo lagu guuldarraystay in xal laga gaaro.

Dagaalkan wuxuu ku soo aaday, xilli dhawaan Puntland sheegay in ay la wareegayso hubka loo isticmaalo dagaal beeleedyada ka dhaca deegaannadeeda.

PUNTLAND POST