
Kooxdii Burcad-badeedda ahayd ee haysatay markabka MV Sward ayaa siidaayay, kaddib markii ay ka qaateen lacag madax-furasho ah oo dhan $2.7 milyan oo doolar, sida ay ogaatay Puntland Post.
Kooxda Burcad-badeedda ayaa caawa fiidkii markabka kaga degay meel u dhow deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.
Markabka MV Sward waxaa la qabsaday 26-kii Abriil ee sanadkan, isaga oo ku gooshayay calanka jasiiradda ku taalla badda Kariibiyaanka ee Saint Kitts.
Waxaa saarnaa 15 shaqaale ah oo u dhashay dalka Suuriya, waxaana la sheegay in uu siday kiimikada bacriminta beeraha oo uu ka soo qaaday dalka Masar, una waday Kenya.
Burcad-badeed Soomaalida ayaa weli xeebaha Puntland ku haysta ilaa afar markab oo lagu magacaabo Honour 25, Eureka, Asana iyo Seamull, kuwaas oo ay ka dalbadeen lacago madaxfurasho.
PUNTLAND POST