Marxuum Axmed Haamay oo lagu aasay Gaalkacyo

Waxaa maanta magaalada Gaalkacyo lagu aasay ganacsade Sheekh Axmed Yuusuf Faarax (Haamay), kaas oo shalay galinkii dambe lagu dilay gudaha magaalada Gaalkacyo.

Aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiinta ka tirsan Puntland iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Gaalkacyo.

Waxgaradkii ka qaybgalay aaska ayaa ugu baaqay ehellada marxuumka in ay ka fogaadaan aanaysi, halka hellada marxuumka ay sheegtay in ay dowladda Puntland ka sugayaan in ay soo qabato ciddii dilka gaysatay.

Marxuumka Axmed Haamay ayaa dilkiisa lala xiriiriyay aano qabiil, gaar ahaan nabadoon hore loo dilay.

PUNTLAND POST