Madaxweyne Deni oo booqday goobo taariikhi ah oo ku yaalla Xaafuun

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa oo ku sugan degmada Xaafuun ayaa maanta booqday dekedda qadiimiga ah ee Xaafuun iyo warshadii hore ee Milixda/Cusbada ee Xaafuun.

Sidoo kale madaxweyne Deni wuxuu kormeeray warshada biyaha macaanaysa oo biyo macaan siisa degmada Xaafuun iyo deegaannada hoos yimaada iyo warshada kalluunka ee Xaafuun oo kalluunka u iibgaysa dalka iyo dibadiisa.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale kormeeray garoonka diyaaradaha ee degmada Xaafuun, isagoo warbixin ka dhegaystay mas’uuliyiinta wasaaradda duulista hawada iyo garoomada iyo maamulka degmada Xaafuun.

Madaxweyne Deni ayaa muujiyay muhiimada uu leeyahay garoonka diyaaradaha, isaga oo sheegay in la horumarinayo si uu ugu adeego bulshada ku nool degmada Xaafuun.

PUNTLAND POST