
Golaha Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay sharciga la-dagaallanka Burcad-badeedda iyo ka hortagga afduubka.
Fadhiga oo golaha oo ay soo xaadireen 30 mudane, waxaa sharcigan ogolaaday oo haa ku caddeeyay 29 mudane oo ka tirsan Aqalka Sare.
Sharcigan oo hore u soo maray Golaha Shacabka ayaa maanta maray ansixintii ugu dambeysay, waxaana loo gudbinayaa madaxweyne Xasan Sheekh si u saxiixo oo ugu soo saaro faafinta rasmiga ah.
Meelmarinta sharcigan wuxuu yimid, xilliga ay dib u soo laabatay Burcad-badeedda Soomaalida, kuwaas oo hadda maraakiib afduub ugu haysta xeebaha Puntland.
PUNTLAND POST