
Puntland ayaa sheegtay in ay ka xuntahay shimbir ka timid wadanka Hungary oo shantii bishan Sebteembar ku geeriyootay deegaanka Dhuudo oo ka tirsan degmada Bandarbayla ee gobolka Karkaar
Wasaaradda Deegaanka Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in ay si weyn uga xuntahay geerida shimbirta Xuur-cadda, taas oo ku geeriyootay deegaanka Dhuudo ee degmada Bandarbayla, gobolka Karkaar.
Puntland oo aan xusin sababta ay u geeriyootay shimbirta Xuur-cadda waxay tilmaantay in ay ka mid ahayd shimbiraha guurguura, islamarkaana ay sumaddeedu ahayd UK43.
Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in shimbirta Xuur-cadda ku dhalatay 7-dii May 2026 magaalada Szécsény ee wadanka Hungary, ayna 87 cisho kadib soo gaartay deegaanka Dhuudo, iyada oo soo jartay masaafo dhan 5,180 km.
Soomaaliya ayaa ka mid ah marinka socdaalka shimbiraha ee (African – Eurosian Flyway) iyada oo inta badan ay Soomaaliya soo gaaraan bilaha 8aad – 10aad, sida ay sheegtay Wasaaradda Deegaanka Puntland.
Puntland waxay bulshada ugu baaqday in cid walba oo la kulanta duurjoog calaamadaysan ama gargaar u baahan ay la soo wadaagto Wasaaradda Deegaanka.

PUNTLAND POST