Madaxweyne Deni oo gaaray Xaafuun

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa galabta gaaray degmada Xaafuun ee gobolka Bari, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Deni ayaa inta uu ku sugan yahay jasiirad u ekaha degmada Xaafuun wuxuu kulamo la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu halkaas ka dhagaxdhigi doono saldhig weyn oo ciidamda PMPF ku yeelan doonaan degmada Xaafuun oo ah goob istiraatiijiya.

Degmada Xaafuun waxaa sanadihii ugu dambeeyay saldhig ciidan ku lahaa ciidamadii PSF ee federaalka sheegtay, kuwaas oo ay dhawaan dagaal ku soo afjartay Puntland.

PUNTLAND POST