Khasaare ka dhashay roob dabaylo wata oo da’ay deegaan ka tirsan Qandala

Hal ruux ayaa ku geeriyooday roob dabaylo watay oo shalay galinkii dambe ka da’ay tuulada Ceelgaal oo hoostagta degmada Qandala ee gobolka Bari.

Ruuxa geeriyooday oo ahaa dumar waxaa ku dumay guri, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale roobka dabaylaha wata wuxuu sababay dhaawacyo fudud oo soo gaaray dad iyo xoolo ku le’day, iyada oo la sheegay in uu ekaa oo keliya deegaanka Ceelgaal iyo agagaarkiisa.

Dadka deegaanka Ceelgaal ayaa dowladda Puntland ka dalbaday gurmad degdeg ah oo wax looga qabto khasaaraha uu sababay roobka.

PUNTLAND POST