Ganacsade lagu dilay Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo waxaa lagu dilay ganacsade Axmed Yuusuf Faarax (Haamay) oo ka mid ahaa waxgaradka gobolka Mudug, kaas oo la dilay xilli uu u socday salaadii maqrib.

Marxuum Axmed Haamay oo sidoo kale ahaa wadaad iyo nabadoon waxaa la sheegay in uu rasaas ku furay nin hubaysan, xilli uu soo xiray goob ganacsi oo uu ku lahaa magaalada Gaalkacyo. Dilka marxuumka waxaa lala xiriirinayaa aano qabiil.

Puntland oo hore u sheegtay in ay la dagaalamayso dilalka aanooyinka qabiilka ayaa weli ka hadlin dilka marxuum Axmed Haamay.

Gobolka Mudug waxaa sanadihii ugu dambeeyay ku soo badanayay dilalka salka ku haya aargoosiga aanooyinka qabiilka, kuwaas oo sababay in ay dad badan uga tagaan gobolka.

PUNTLAND POST