
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaninayo ayaa maanta lagu soo dhaweeyay deegaanka Dharjaale degmada Iskushuban ee gobolka Bari, oo bar-bilow u ahaa howgalka Calmiskaad.
Madaxweyne Deni ayaa fagaare kula hadlay bulshada deegaanka Dharjaale, isagoo uga mahadceliyay sidii weyneyd ee ay isu garab taageen howlgalka Calmiskaad, maadaama uu ka bilowmay weerarkii u horeeyay.
Waxaa uu madaxweynuhu dhagax dhigay taalada Shuhaadqda Calmiskaad, oo laga dhisayo bartamaha Dharjaale si loogu xasuusto halganka dhabta ah ee ay galeen dadka reer Puntland Dowlad iyo Shacab si ay dhulkooda uga ciribtiraan argagixisada.
PUNTLAND POST