Taliye Shub oo ku dhaawacmay duqeyn lala beegsaday

Talihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliya Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa ku dhaawacmay duqeyn diyaaradeed oo caawa lala eegtay guriga uu ka degan yahay degmada Doolow gobolka Gedo ee Jubaland.

Duqeynta waxaa ku dhintay habeenay lagu sheegay Itoobiyaan oo ka shaqeynaysay guriga Taliye Shub. Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay ilaa saddex qof oo kale oo ku sugnaa guriga.

Weli lama oga cidda gaysatay weerar laga beegsaday Taliye Shub oo ka mid ah garabka mucaaradka maamulka Koonfur Galbeed ee hoggaamiyo Cabdicasiis Laftagareen.

Weerarka laga beegsaday guriga Taliye Shub wuxuu ku soo aaday, xilli shalay uu dagaal culus ka dhacay Baydhabo, kaddib markii ciidan taageersan Laftagareen ay weerar ku soo qaadeen magaaladaas.

PUNTLAND POST