Puntland: Tallaabaan ka qaadaynaa dadka ka ganacsada badeecadaha aan tayadooda la hubin

Puntland ayaa sheegtay in ay tallaabo sharci ah ka qaadi doonto cid kasta oo ka ganacsata daawooyin, raashin ama biyo aan tayadooda la hubin.

Sidoo kale Puntland waxay tilmaantay in ay dhawaan howlgelin doonto Hay’adda Tayo-dhowrka, taas oo sanadkii hore uu curiyay baarlamaanka.

“Waxaa la howlgelinayaa Hay’adda Tayo-dhowrka, waxaana tallaabo sharci ah laga qaadi doonaa cid kasta oo ka ganacsata daawooyin ama raashin aan tayadooda la hubin” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Ganacsatada Puntland qaarkood ayaa lagu eedeeyaa in ay dalka keenaan ama soo saaraan badeecado aan aan tayadooda la hubin.

Hay’adda Tayo-dhowrka ayaa sida la sheegay noqon doonta mid u taagan hubinta tayada cuntada, biyaha, daawada iyo dhammaan badeecadaha kala duwan ee soo gala ama laga soo saaro deegaannada Puntland.

PUNTLAND POST