
Hal qof ayaa ku dhintay howlgal ay maanta Puntland ku qaaday todobada nin oo ka tirsan kooxdii Burcad-badeedda ee lacagta madaxfurashada ka qaatay markabkii Turkiga u rarnaa ee Lutuf, kuwaas oo ku sugnaa deegaanka Garacad ee gobolka Mudug.
Sidoo kale waxaa howlgalka lagu qabtay labo nin oo ka mid ahaa kooxda Burcad-badeedda, halka ay baxsadeen afartii kale, sida saraakiil ka tirsan laamaha amniga Puntland u sheegeen Puntland Post.
Kooxda Burcad-badeedda ee lacagta madax-furashada ku siidaayay markab MV Lutuf, waxay weli afduub u haystaan markabka MV Sward, kaas oo ay ka dalbadeen lacag madax-furasho.
Puntland ayaa weli ka hadlin howlgalka ay ku qaaday kooxda burcad-badeedda ee sababay dhimashada iyo qabashada.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmo ka hor hadal ka jeediyay deegaanka Garacad ayaa sheegay in ay dowladdu bilaabi doono dagaal ka dhan ah Burcad-badeedda.
PUNTLAND POST