Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay mas’uuliyiintii ku wehelinayay safarkii Mudug

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo weli ku sugan deegaanka Garacad ayaa kulan is-xogwareysi iyo talo ururin ah la qaatay mas’uuliyiinta iyo wafdiga ku weheliyay safarkii bariga gobolka Mudug

Xubnaha goleyaasha dowladda ee qeybta ka ahaa safarka, ayaa madaxweynaha la wadaagay warbinta kulamo gaar gaar ah oo ay la yeelanayeen bulshooyinka deegaannada la booqday ee gobolka Mudug, si loogu kuurgalo xaaladaha nabadgelyada, horumarinta adeeygada bulshada iyo guud ahaan baahiyaha mudnaanta leh.

Madaxweyne Deni ayaa faray guddiga dowladda ee safarka ku weheliyay in la weeleeyo tallooyinkii, warbixinihii iyo baahiyihii ay soo gudbiyeen bulshooyinka la booqday, si loo waafajiyo qorshaha waxqabad ee dowladda Puntland ee Mudug.

PUNTLAND POST