
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in Burcad-badeedda ay ka dambeeyaan dalal shisheeye oo doonaya in ay gurtaan khayraadka badda Puntland.
Wuxuu sheegay in aysan Puntland aqbalayn in dowlado shisheeye laayaan dadkeeda iyo in khayraadka baddeeda la gurto, iyada oo lagu soo gabanayo Burcad-badeedda.
Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay deegaanka Garacad ayaa yiri “waxaa la rabaa in la yiraahdo Puntland waa difaaci wayday Burcad-badeedda, kadibna xeebaha ciidamo la soo dhoobo oo khayraadkeena gurtaan”.
“Ogaada kuwii berigii hore yimaaday ee la lahaa caalamka baa Burcad-badeedda la dagaalamaya waxay xaalufiyeen baddeenna” ayuu raaciyay.
Madaxweyne Deni ayaa ogaysiiyay Beesha Caalamka iyo dadweynaha reer Puntland in ay dowladadiisa si adag ula dagaalamayso Burcad-badeedda.
Puntland waxay hore dib u soo laabashada Burcad-badeedda ugu eedeesay dowladda federaalka Soomaaliya ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
PUNTLAND POST