Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray qaybta kaydinta badeecadaha dekedda Garacad

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay ku hoyday Garacad ayaa maanta kormeer ku tagay dekedda, isagoo xarigga ka jaray dhismaha kaydinta badeecadaha, isla markaasina kormeeray jenbiga cusub ee (C) oo dhawaan lagu soo kordhiyey dekadda iyo jenbiga (D) oo isagana shaqadiisu socoto.

Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa booqday xafiisyada cusub ee wasaaradaha ku shaqo leh arrimaha dekadaha Puntland, ay ku dhex sameysteen dekadda, kuwaasi oo si casri ah loo dhisay, loona diyaariyay in ay fududeeyaan waxkasta oo ku saabsan shaqada dekedda iyo dardargelinteeda.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Puntland ayaa warbixin ku saabsan sida ay u socoto howsha dekedda ka dhegaystay guddiga iyo maamulka dekedda Garacad iyo injineerrada shirkadda gacanta ku haysa dhismaha.

PUNTLAND POST