
Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa sheegay in uu aqbalay go’aanka Maxkamadda Sare ee Federaalka Soomaaliya ee lagu laalay natiijada doorashadii isku-sidkanayd ee golaha deegaanka iyo wakiillada ee Galmudug, taas oo qabsoontay 30-kii Luulyo 2026.
Guddiga ayaa sheegay in go’aanka Maxkamadda Sare uu waafaqsan yahay qodobka 73-aad ee xeerka doorashooyinka qaranka, kaas oo tilmaamaya awoodda Maxkamadda Sare u leedahay garnaqsiga iyo go’aaminta dacwadaha la xiriira doorashooyinka.
Guddigu wuxuu intaas ku daray in uu soo muddayn doono xilliga la qabanayo doorashada ku-celiska ah ee Galmudug, iyadoo la raacayo go’aanka Maxkamadda Sare iyo habraacyada sharciga ah ee doorashooyinka.

PUNTLAND POST