Cawad oo ka hadlay go’aanka Maxkamadda Sare ku diiday doorashadii Galmudug

Wasiirkii hore ee arrimaha dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa bogaadiyay go’aankii Maxkamadda Sare ee Federaalka ku laashay natiijadii doorashada Galmudug.

Danjire Cawad wuxuu go’aanka Maxkamadda Sare ku tilmaamay mid Soomaaliya u horseedaya dowladnimo ku dhisan hay’ado kala madax bannaan, maamul wanaag iyo isla xisaabtan.

“Go’aanka Maxkamadda Sare ee JFS ay ku diidday doorashadii Xasan Sheekh Maxamuud ee Galmudug waa mid dowlad-dhiska Soomaaliya ulamid ah kacaankii sharafta lahaa ee Ingiriiska (Glorious Revolution) ee 1688 iyo kii Faransiiska (French Revolution) ee 1789, kuwaasoo horseeday dowladnimo ku dhisan hay’ado kala madax bannaan, maamul- wanaag iyo isla xisaabtan” ayuu Cawad ku qoray boggiisa X.

“Garsoorayaasha Maxkamada Sare waxay taariikhda ku galayaan inay sifiican ujiheeyeen dowladnimada Soomaaliya. Waana u hambalyeynayaa” ayuu ku daray.

Cawad ayaa sidoo kale Maxkamadda Sare kula taliyay in ay sii wado sii xoojinta iyo mudnaan siinta hawlaha horutabinta u leh dawladnimada.

PUNTLAND POST