Madaxweyne Deni oo tegay degmada Towfiiq

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Towfiiq oo ku taalla cirifka koonfur bari ee Puntland, kana tirsan gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni iyo wafdigiisa waxaa halkaas si weyn ugu soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada.

Madaxweynana Puntland oo fagaare kula hadlay bulshada degmada Towfiiq ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta, iyadoo inta uu joogo degmada uu kulamo kala duwan la qaadan doono maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Deni oo muddo labo todobaad ka badan ku sugan gobolka Mudug, wuxuu booqasho ku maray inta badan degmooyinka gobolka, isaga oo kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka.

PUNTLAND POST