Madaxweyne Deni oo ka hadlay duqeymihii ka dhacay xeebaha Puntland

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in uu ka xun yahay duqeymihii ka dhacay xeebaha gobolka Nugaal ee Jiifle iyo Garmaal, kuwaas oo ay dhinteen dhowr iyo toban qof.

Madaxweyne Deni oo xalay hadal ka jeediyay degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa tillaamy in aysan Puntland raali ka ahayn sida wax u dhaceen oo uu aad uga xun yahay.

Wuxuu sheegay in Burcad-badeedda aysan ahayn in lagu xadgudbo balse ay tahay in dambigooda loo maro waddo sharciga waafaqsan.

Ilaa 7 qof ayaa shalay galinkii dambe ku dhintay duqeyn ka dhacday deegaan xeebeed lagu magacaabo Argeegto oo u dhexeeya deegaanka Jiifle iyo deegaanka Dhinowda-Dhigdhig degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal.

Sidoo kale maalmo ka hor waxaa duqeyn taas la mid ah ay ka dhacday deegaanka Garmaal ee degmada Dangorayo, taas oo ay ku dhinteen afar qof oo Puntland ku sheegtay kalluumeysato.