Duqeyn ka dhacday deegaanka Jiifle ee gobolka Nugaal

Ilaa 7 qof ayaa goordhaweyd ku dhintay duqeyn ka dhacday deegaan xeebeed lagu magacaabo Argeegto oo u dhexeeya deegaanka Jiifle iyo deegaanka Dhinowda-Dhigdhig degmada Godobjiiraan ee gobolka Nugaal.

Duqeynta waxaa lala beegsaday saxiimad ay fuulayeen ilaa 10 nin oo hubaysan oo la sheegay in ay u socdeen markabka Lutuf, kuwaas oo goobta gaari keenay.

Markabka Lutuf oo Turkiga u raran ayaa saacadihii la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Jiifle, waxaana la sheegay in kooxda Burcad-badeedda ah ee haysata ay ka baxeen heshiis ay shalay la galeen Turkiga, kaas oo ay ka garwadeen ka ahayd dowladda federaalka Soomaaliya.

Kooxda Burcad-badeedda ah waxaa xalay loo ogolaaday in adeeg u yimaado, balse waxaa adeega u soo raacay ilaa afar nin oo hubaysan, kuwaas oo fulay markabka, sida ay ogaatay Puntland Post.

Maalmo ka hor waxaa duqeyn tan la mid ah ay ka dhacday deegaanka Garmaal oo markabkan uu shalay ka soo tegay, taas oo ay ku dhinteen afar qof oo Puntland ku sheegtay kalluumeysato.

PUNTLAND POST