
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo labo todobaad ah ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ayaa maanta safar ugu baxay degmada Jariiban ee gobolka Mudug.
Madaxweyne Deni ayaa tagi doona magaalooyinka Jariiban iyo Garacad, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono qaybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka deegaannadaas.
Sidoo kale madaxweyne Deni waxaa lagu wadaa in uu booqdo dekedda Garacad iyo warshada kalluunka Garacad oo dhismaheedu marayo meel gabogabo ah.
Madaxweyne Deni ayaa hore u booqday degmooyinka Galdogob iyo Buursaalax ee gobolka Mudug.
PUNTLAND POST