Deni oo booqday goobaha loo calaamadeeyay biya-saarka Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer ku tagay goobaha ay biyuhu fariistaan ee bartamaha magaalada Gaalkacyo, oo ay ka socoto shaqo isugu jirta banayn iyo dumin dhismayaal, si loo sameeyo marin-biyoodyo ay biyuhu maraan.

Goobahan waxaa hore u calaamadeeyay injineerro baaritaanno ku sameeyey dhulka iyo marinnada biyaha ee magaalada Gaalkacyo.

Ujeeddada kormeerka ayaa lagu sheegay in ay ahayd in madaxweynuhu xog-ogaal u noqdo shaqada iyo qorshaha biyo-saarka magaalada Gaalkacyo, waxaana uu warbixinno ka dhegaystay guddoonka gobolka, maamulka degmada iyo taliska qaybta, kuwaas oo ku sugnaa goobaha ay ka socdaan howlaha duminta iyo furista marin-biyoodyada.

Ugu dambayn, madaxweyne Deni ayaa ugu baaqay bulshada iyo hay’adaha ay qusayso inay ka qayb qaataan mashaaruucaan biyo-saarka Gaalkacyo, si loo helo magaalo nadiif ah oo leh hannaan biyo-saar oo casri ah, lana jaanqaadaysa dunida horumartay.

PUNTLAND POST