
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, islamarkaana uu shir-guddoomiyay Ra’iisulWasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta dhaqaalaha dalka.
Golaha, ayaa warbixin dhamaystiran ka dhagaystay Wasaaradda Maaliyadda, taasi oo ku saabsan Xisaab-xirka sanadeedka 2025, iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, canshuuraha gudaha iyo dib-u-habeynta Maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya. Warbixinta wasaaradda ayaa lagu sheegay in uu kordhay dhaqaalaha dalka boqolkiiba 3.1% gaar ahaan hal-beegga GDP-ga ee lagu qiyaaso dakhliga guud ee dalka soo gala.
Ra’iisul Wasaare Xamse oo warbixinta kadib golaha hadal kooban u jeediyay ayaa sheegay sida ay muhiim u tahay in dadka Soomaaliyeed ay gaaraan isku filnaansho dhaqaale, ka faa’ideysiga wax-soo-saarka dalka, khayraadka kale, kordhinta dakhli-uruurinta gudaha, dhiirrgalinta maalgashiga, xoojiyo daah-furnaanta dhaqaale iyo isla-xisaabtanka, iyo waliba beekhaaminta raasumaalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa Wasaaradda ku ammaanay qiimeyntii uu ku sameeyay Xafiiska Hanti-Dhawrka Guud oo markii ugu horreeysay maamulka maaliyadda dowladda siisay qiimeynta lagu magacaabo Aragti Nadiif ah oo ah tan ugu sarreysa oo ka tarjumeysa hufnaan.
Mudane Xamse waxa uu xusay in arrimaha dhaqaalaha dalka uu si weyn u soo kabanayo isla markaana uu gaari doono isku filnaan dhaqaale oo lagaga maarmi doono kaalmo shisheeye, taasi oo tarjumaysa adkeysiga bulshada Soomaaliyeed.
PUNTLAND POST