
Koox burcad-badeed ah ayaa maanta markab kuwa shidaalka qaada ah ku qabsaday Gacanka Cadmeed, sida ay shaacisay hay’adda ciidanka badda Ingiriiska ee la socota amniga iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta ganacsiga (UKMTO).
Markabka oo weli la shaacin cidda leh iyo shaqaalaha saaran waxaa la sheegan in ay qabsadeen koox ka kooban lix nin oo hubaysan, kuwaas oo la soo aaday dhanka Soomaaliya, gaar ahaan xeebaha Puntland.
Markabkan wuxuu noqonayaa kii lixaad oo ay kooxaha burcad-badeedda qabsadaan dhowr bilood ee la soo dhaafay iyo kii labaad oo ay qabsadaan todobaadkan gudihiisa.
Dhammaan maraakiibta ay haysato burcad-badeedda oo inta badan sida shidaal waxay hadda ku xiran yihiin xeebaha Puntland, gaar ahaan Nugaal iyo Bari, waxayna ka dalbadeen lacago madaxfurasho.
Burcad-badeedda Soomaalida ayaa adduunka gilgilay intii u dhaxaysay 2008 iyo 2018, kaddib muddo uu hoos u dhacay dhaqdhaqaaqooda wuxuu markale dib u soo kordhay dabayaaqadii sannadkii 2023-kii.
PUNTLAND POST