
In ka badan shan gaari oo kuwa xamuulka qaado ah ayaa lagu gubay waddada u dhaxaysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Gaadiidkan oo siday dhuxul una socday magaalada Muqdisho lagu gubay deegaan lagu magacaabo Warmaxan, waxaana falkan lagu eedeeyay ururka Al-shabaab.
Muuqaal laga baahiyay dhacdadan ayaa muujinaya gaadiid dhuxul sida oo gubtay, kuwaas oo ka badan shan gaari oo ah kuwa xumuulka qaada.
Waddada isku xirta Wanlaweyn iyo Afgooye ayaa ah waddo muhiim ah oo inta badan ay maamulaan Al-shabaab, waxaana mararka qaar ka dhaca falal amni darro.
PUNTLAND POST