
Faahfaahinta dheeraad aha ayaa ka soo baxaysa duqeyn maanta gelinkii dambe ka dhacday deegaan xeebeedka Garmaal ee degmada Dangorayo ee gobol Nugaal.
Sida ay ogaatay Puntland Post ragga duqeynta loo gaystay ayaa adeeg u geeyay markab lagu magacaabo Lutuf oo shalay ay qabsatay koox burcad-badeed ah, kaas oo ku gooshayay calanka Cameroon.
Ragga oo ahaa lix nin oo watay saxiimad yar ayaa markii ay ka soo noqdeen markabka oo ay soo gaareen xeebka waxaa lala beegsaday duqeyn sababtay in ay dhintaan afar ka mid ah, halka labadii kalana ay dhaawacmeen.
Sida xogta aan helnay sheegayso duqeynta waxaa fuliyay markab dagaal oo taagnaa meel ku dhow markabka qafaalan ee Lutuf.
Kooxda shalay qabsaday markabka Lutuf waxay hore u haysatay markabka Sward, kaas oo ay qabsashadiisa u adeegsatay.
Deegaanka Garmaal waxaa hadda ku xiran labadan markab (Lutuf & Sward) iyo markabka Asana, iyada oo kooxaha haysta hore u dalbadeen lacago madaxfurasho.
Weli ma jirto cid ka hadashay duqeynta Garmaal, marna aan isku daynay in aan wax ka weydiino mas’uuliyiin Puntland ahna nooma suurtagelin.
PUNTLAND POST