Duqeyn ka dhacday deegaanka Garmaal ee gobolka Nugaal

Duqeyn maanta gelinkii dambe ka dhacday deegaan xeebeedka Garmaal degmada Dangorayo ee gobol Nugaal ayaa lagu dilay afar nin, halka lagu dhaawacay labo kale.

Ragga dhintay ayaa saarnaa laash ka soo caariyay xeebka, sida uu qof deegaankaas ku sugan u sheegay Puntland Post, welina lama oga cidda gaysatay duqeynta.

Deegaanka Garmaal waxaa ku xiran saddex markab oo ay haystaan kooxo burcad-badeed ah, kuwaas oo uu ku jiro mid shalay la qabsatay oo lagu magacaabo MV Lutuf.

Weli lama oga ragga duqeynta lagu dilay in ay yihiin burcad-badeed iyo in ay yihiin dadka noloshoodu ku tiirsantahay wax-soo-saarka badda.

PUNTLAND POST