
Puntland ayaa maanta si rasmi ah uga wareegtay xerada Ligle ee Garoowe iyo ciidanka Danab ee hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo muddo sanad ku dhow ka tirsanaa dowladda federaalka.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab, madaxweynihii hore ee Puntland senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, guddigii Nugaal ee dhexdhexaadinta iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta tagay xerada Ligle, waxaana halkaas ku dhaweeyay Gen. Jimcaale oo sheegay in ciidanka Danab ay dib ugu soo noqdeen ciidamada Puntland.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Xirsi Cali ayaa booqashada xerada Ligle kaddib sheegay in ciidanka Danab maanta lagu bilaabay diiwaangelinta ciidamada Puntland, ayna dhammaatay tabashadii ay qabeen.
Puntland waxay maalmihii la soo dhaafay la wareegtay dhowr xero iyo ciidamo hore ugu biiray dowladda federaalka oo ku sugnaa deegaannadeeda.
PUNTLAND POST