
Ciidan taageersan Laftagareen ayaa saaka weerar ku soo qaaday Baydhabo, kuwaas oo gudaha magaalada iyo bannaankeeda kula dagaalamay ciidan ka tirsan dowladda federaalka & kuwa maamulka Aadan Madoobe.
Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in ciidanka daacada u ah Laftagareen ay isaga baxay magaalada, kaddib dagaal muddo ka socday qaybo ka mid ah Baydhabo, waxaana ilaa hadda aan la xaqiijin karin inta uu le’eg yahay khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo ka hadlay weerarka Baydhabo ayaa sheegay in laga hor-tagay, isaga oo ciidanka taabacsan Laftagareen ku tilmaamay “Khawaariij”.
Dhanka kale afhayeenkii maamulkii Laftagareen Ugaas Xasan ayaa muuqaal uu soo duubay ku sheegay in ay la wareegeen magaalada Baydhabo, islamarkaana ay hadda gacanta ku hayaan, sida uu hadal u dhigay.
Maahan markii ugu horreysay oo ciidan taageersan Laftagareen weerar ku soo qaadaan magaalada Baydhabo, dhowr jeer oo hore ayay sidaan oo kale weerar ku soo qaadeen.
Dagaalka saaka ee Baydhabo ayaa ku soo aaday, xilli maalmo ka hor uu hoggaamiyaha Koonfur Galbeed Aadan Madoobe sheegay in ay cabsi ka qabaan ciidan duurka galay.

PUNTLAND POST