Madaxweyne Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray ciidan

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Galmudug ayaa maanta deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qaybgalay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, wasiirka gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, taliyaha ciidanka xoogga dalka Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud, xildhibaano, saraakiil iyo marti-sharaf kale.

Ciidamada tababarka qaatay ayaa munaasabadda ku soo bandhigay dhoolatus ciidan iyo gaada ka ciyaar, kuwaas oo la sheegay in ay ka qaybqaadanayaan la dagaalanka Al-shabaab.

PUNTLAND POST