
Puntland ayaa sheegtay in ay soo gabagabayay xiisaddii deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo, islamarkaana ciidamadii federaalka sheegtay ee halkaas ku sugnaa ay aqbaleen in ay ka mid noqdaan Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa deegaanka Kuur-ilaalo ee degmada Rako-raaxo ayaa aqbalay in ay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland”.
Xiisadda Kuur-ilaalo oo u dhexaysay Puntland iyo ciidan sheegtay in ay ka tirsan yihiin federaalka oo dhawaan ka guuray degmada Carmo waxaa lagu dhammeeyay wada hadallo maalmihii la soo dhaafay u socday odayaasha dhaqanka deegaankaas iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Hoos k akhri war-saxaafadeedka Puntland
Rako-raaxo, Agoosto 14, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee Gobolka Karkaar, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amni ee hoos timaadda hay’adaha dowladda.
Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa deegaanka Kuur-ilaalo ee Degmada Rako-raaxo ayaa aqbalay inay ka mid noqdaan Ciidanka Difaaca Puntland. Ciidamadan ayaa lagu darayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee Ciidanka, waxaana loo marayaa habraacyada diiwaangelinta, tababarka iyo dib-u-habaynta ciidan, si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska ee Ciidanka Difaaca.
Gaba-gabada wejigan koowaad ee hawlgallada amni ee laga fuliyay Gobollada Mudug, Bari iyo Karkaar waxay ka dhigan tahay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda hay’adaha amniga, mideynta taliska iyo xaqiijinta in awoodda hubaysan ay ku hoos shaqayso hay’adaha dawladda.
Tallaabadan waxay sidoo kale ka dhigan tahay guul muhiim ah oo u soo hoyatay Ciidanka Difaaca Puntland, gaar ahaan dadaallada lagu xoojinayo hay’adaynta Ciidanka, mideynta taliska iyo sugidda amniga iyo kala dambeynta.
Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu caddeynayaa in hawlgallada amni loo fulinayo si waafaqsan Dastuurka, shuruucda iyo habraacyada dowladda, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadada shacabka, ilaalinta hantida iyo xasilloonida guud.
Ciidanka Difaaca Puntland wuxuu uga mahadcelinayaa shacabka Puntland wada-shaqayntooda iyo taageerada ay u fidiyaan hay’adaha amniga, wuxuuna ku boorrinayaa inay sii xoojiyaan doorkooda ku aaddan ilaalinta nabadda, amniga iyo kala dambeynta dalka.
— DHAMMAAD —
PUNTLAND POST