
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo ay si diiran ugu soo dhaweeyeen madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), mas’uuliyiin ka tirsan maamulkiisa.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Villa Somalia, ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa ah qaybgalka munaasabad tababar lagu soo xirayo cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, taas oo ka dhacaysa deegaanka Xanan-buure oo la tirsan gobolka Galgaduud.
Puntland ayaa xalay war-saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh uu safar ku imanayo koonfurta Gaalkacyo, kaas oo ujeedadiisa lagu tilmaamay mid colaad lagaga hurinayo magaalada Gaalkacyo.
Puntland oo dhawaan magaalada Gaalkacyo dagaal kula gashay ciidan ka tirsan federaalka waxay xoojisay difaaceeda gobolka Mudug.
PUNTLAND POST