Gen. Jimcaale oo aqbalay in uu dib ugu soo noqdo ciidamada Puntland

Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo hoggaamiya ciidan Danab ee degan xerada Ligle ee Garoowe ayaa ugu dambayn aqbalay in uu dib ugu soo noqdo ciidamada difaaca Puntland.

Gen. Jimcaale waxa uu ka tanaasulay go’aankii uu ugu biiray dowladda federaalka oo muddo sanad ku dhow ay ka mushaar qaadanayeen ciidamada Danab.

Dowladda Puntland ayaa dhankeeda aqbashay in Gen. Jimcaale uu sii ahaado taliyaha ciidanka Danab, iyada oo sidoo kale ka laabatay go’aan ay ku maxkamadaym lahayd siyaasiyiin mucaarad ah oo ka soo jeeda gobolka Nugaal.

Heshiiska ay gaareen dowlada Puntland iyo Gen. Jimcaale waxaa garwadeen ka ahaa qaar ka mid waxgaradka gobolka Nugaal oo muddo ku jiray arrintan.

PUNTLAND POST