Maxay wada hadleen Puntland iyo Qaramada Midoobay?

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta magaalada Garoowe kula kulmay wafdi uu hoggaaminayay ku-xigeenka ergayga gaarka ah ee xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna isuduwaha arrimaha gargaarka bani’aadannimo, George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha gargaarka bani’aadannimo, xoojinta isku-duwidda hay’adaha gargaarka, iyo sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha bani’aadannimo ee ka dhashay abaaraha soo noqnoqday, roobabkii oo baaqday iyo saameynta ay xaaladahaasi ku yeesheen bulshada nugul.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in gargaarka degdegga ah lagu xoojiyo xalal waara oo bulshada u horseeda adkaysi iyo isku-filnaansho, gaar ahaan dhinacyada biyaha, sugnaanta cuntada, caafimaadka, nafaqada iyo ilaalinta hab-nololeedka dadka ay abaartu saameysay.

Waxaa kulanka ka qaybgalay xubno ka mid ah golaha wasiirada oo ka mid yahay wasiirka arrimaha gudaha iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland.

PUNTLAND POST