
Garoowe (Faallo PP) — Dhowaan Xildhibaan Cabdiqani Faarax Dhaashane, oo ka tirsan Baarlamaaka Puntland, wuxuu ka hadlay mowqifka maamulka Puntland ka yeeshay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidammo ku dhex yeelato Puntland. Madaxweyne Deni keligiis laguma eedeyn karo inuu mowqifkaas qaatay, hase ahaatee waa laga doodi karaa inuu ku saxan yahay mowqifkaas iyo kale. Sababtu waa: maamulkii ka horreyay maamulka Deni ayaa diiday in Puntland loo qoro 3,000 oo ka mid ah Xoogga Dalka, guutooyinkas oo Dowladda Puntland ka ammarqaadan doona.
Sida habkaas uga shaqayn karo Puntland, oo weli ku dhisan ciidan beeleedyo, waa su’aal aan weli laga jawaabin. Puntland ma aha meel, sida meelo badan oo ka mid ah Koonfurta Soomaaliya, ay ka hirgashay awood-wax-ku-maquuninta (coercive power) ee Dowladda Federaalka. Xildhibaan Dhaashane wuxuu tusaale u soo qaatay Koonfur Galbeed iyo wixii ku dhacay Laftagareen.

Dhaashane wuxuu sheegay in mowqifka Puntland uu yahay mid taariikhi ah. Wuxuu ku dooday in xitaa Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu diiday in “Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidammo ku dhex yeelato Puntland.”
Waxa keliya oo si aan eex lahayn loo sheegi karo marka arrintan laga hadlayo waa in Xildhibaan Dhaashane illowsan yahay in muddo-xileedkii Madaxweyn Gaas uu billowday dadaalka ay Dowladda Federaalku ciidaammo kaga qorato maamullada xubnaha ka ah. Diidmada Puntland waxay sababtay in ciidammada Puntland ay heli waayeen taakuleynta ay u baahan yihiin marka uu socdo hawlgallada lagu soo afjarayo Daacish.
Dhaashane wuu ku qaldan yahay inuu tusaale u soo qaato Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf si uu u difaaco siyaasadda is-majaxaabinta ee Madaxweyne Deni kaga soo horjeedo in ciidammada Puntland ay helaan xaqa kaga maqan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu kale oo Xildhibaan Dhaashane illowsan yahay in Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf uu taageersanaa siyaasadda Dowladdii Federaalka ee Ku Meelgaarka (TFG) ay ciidammo ka qorato Puntland. Madaxweyne Cabdullaaahi Yuusuf, oo adeegsanayay Jeneraal Carays, ayaa sanadihii 2007 iyo 2008 ciidammada Puntland badankood u daadgureeyay Muqdisho si ay ula dagaallamaan xoogaggii la magac-baxay Muqaawamada. Ciidammada Puntland, oo uu Madaxweyne Cabduulaahi Yuusuf geeyey, Muqdisho waxay ahaayeen guutooyinkii ugu horreeyay ee Ciidanka Xoogga Dalka ee Dowladda Federaalka yeelatay kaddib sanadkii 2004. Askar badan oo laga keenay Puntland ayaa lagu dilay dagaalladaas, qaar badanna dhaawacyo daran ayaa ka soo gaaray dagaalladii ka socday Muqdisho 2007-2009.
Dowladdii Sheekh Shariif Axmed ayaa 2009 ciidammadii laga keenay Puntland iyo taliyahoodii sare uga soo daadgureysay Muqdisho si waafaqsan heshiiskii sanadkii 2008 dhexmaray Dowladdii Ku Meelgaarka iyo Ururkii Dib U Xoreynta Soomaaliya (ARS).
Madaxweyne Deni iyo maamulkii ka horreeyayba waxay jebiyeen Dastuurka Puntland markay jideeyeen siyaasad Puntland ka dhigaysa maamul leh ciidan beeleed. Sidee Madaxweyne Deni ugu faani karaa in Puntland ay horseedday hirgelinta hab federaal iyo dhisidda maamullo xubin ka ah Dowladda Federaalka isaga oo qaadanaya go’aammo ka soo horjeeda go’aammadii dowlad dhisidda uu qaatay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed 2004-2008?
Sanadkii hore Xildhibaan Dhaashane wuxuu ku dooday in Deni iyo Cabdullaahi Yuusuf ku kala duwan yihiin oo keliya midabka. Waa hadal runta ka fog. “Hubsiimo hal dhan baa la siistaa”, sida Soomaalidu ay ku maahmaahdo.
© Puntland Post, 2026