Puntland oo soo gabagabaysay howlgalkii ciidamada federaalka ee Mudug

Puntland ayaa sheegtay in ay soo gabagabaysay wejigii koowaad howlgalkii Mudug ee ka dhanka ahaa ciidamada federaalka, iyada oo ciidankii ku sugnaa xerada Istanbul ee xaafadda Garsoor ay aqbaleen in ay ka mid noqdaan Puntland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu yiri “Ciidanka Difaaca Puntland ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee hawlgalka amni ee gobolka Mudug, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta amniga, soo celinta kala dambeynta iyo mideynta awoodda amniga ee hoos timaadda hay’adaha dawladda”.

“Maleeshiyaadkii hubaysnaa ee ku sugnaa Gaalkacyo ayaa aqbalay in ay ka mid noqdaan ciidanka difaaca Puntland. Waxaa hadda lagu biirinayaa qaab-dhismeedka rasmiga ah ee ciidanka, waxaana la gelinayaa tababar iyo dib-u-habayn ciidan si loo waafajiyo nidaamka, anshaxa, habraacyada iyo silsiladda taliska” ayaa la raaciyay.

Madaxweyne Deni ayaa la kulmay Ugaaska beesha Leelkase Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Maxamed, iyada oo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada beeshaas oo shir jaraa’id ku qabtay Gaalkacyo sheegeen in ay ku soo biireen Puntland.

PUNTLAND POST