Madaxweyne Deni oo xarigga ka jaray qayb ka mid ah wadada Bacaadweyn-Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xarigga ka jaray wejiga koowaad ee wadada laamiga dheer ee isku xira Bacaadweyn iyo Gaalkacyo ee gobolka Mudug oo si casri ah loo dhisay.

Wadada laamiga ah ee Bacaadweyn-Gaalkacyo qaybta xariga laga jaray ee la dhameystiray ayaa ah 20-KM oo isu mara deegaannada Heemo, Cagaaran, Horogle iyo laanta-dusmada, dowladda Puntland ayaana mashruucan hirgelisay.

Madaxweyne Deni ayaa kula dardaarmay mas’uuliyiinta dowladda iyo shirkadaha dhisaya waddan in lasii dardargeliyo shaqada, lana dhamaystiro wejiga labaad ee harsan oo isna dhan 20-KM.

Madaxweyne Deni ayaa lagu ammaanaa intii uu talada hayay in uu wax weyn ka qabtay wadada lafdhabarta u ah dhaqaalaha Puntland ee xiriirisa Boosaaso ilaa Gaalkacyo, taas oo muddo burbursanayd.

PUNTLAND POST