
Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalkii todobaadkii hore ka dhacay magaalaga Gaalkacyo, kaas oo dhexmaray ciidamada Puntland iyo kuwa PSF oo hadda ka tirsan federaalka.
Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi ayaa qoraal uu soo saaray oo lagu daabacay mareegta wasaaradda ku sheegay in uu madaxweyne Deni weerar qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya (XDS) ku lahaayeen magaalada Gaalkacyo.
Wasiir Fiqi wuxuu tilmaamay in ciidamada la weeraray ay sannado badan ka soo qaybqaateen sugidda amniga Puntland iyo la-dagaallanka kooxaha argagixisada Al-shabaab iyo Daacish xilligii ay ka tirsanaayeen Puntland, isaga oo xusay in ku biiristooda federaalka aysan ahayn dambi ay ku mutaystaan in la weeraro.

Wuxuu sheegay in ku biirista ciidanka xoogga dalka ay tahay xaq qaran oo ay leeyihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed ee jeclaada in ay dalkooda u adeegaan, islamarkaana aan loo fasiran karin tallaabo liddi ku ah cid gaar ah.
Wasiir Fiqi ayaa shalay isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ku booqday askar ka tirsan PSF oo ku dhaawacmay dagaalkii Gaalkacyo, kuwaas oo maalmo ka hor laga dhoofiyay dhanka Galmudug.
PUNTLAND POST