Mashruuc ku kacaya $3 milyan oo laga daahfuray Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni Abdullahi Deni ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo oo ah mashruuc muhiim ah oo muddo dheer ay baahi weyn u qabtay bulshada.

Mashruucan ayaa loogu talagalay in xal waara looga gaaro dhibaatooyinka ay biyuhu ku hayaan magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan xilliyada roobabka, waxaana maalgelintiisa iska kaashanaya dowladda, qurbo-joogta iyo bulshada ku nool gudaha dalka.

Waxaa lagu qiyaasayaa in wejiga koowaad ee mashruuca ay ku baxayso lacag dhan $3 milyan oo doolar, iyada oo dowladda Puntland ay ballanqaaday in ay bixinayso $1 milyan oo doolar, halka dhaqaalaha intiisa kale laga filayo bulshada, ganacsatada, shirkadaha waddaniga ah iyo qurbo-joogta reer Puntland.

Munaasabadda daahfurka mashruuca oo uu soo qabanqaabiyey Guddiga Horumarinta Magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu soo bandhigay qorshaha guud ee mashruuca, halka ay marayaan diyaar-garowgiisa iyo tallaabooyinka loo marayo hirgelintiisa. Guddigu wuxuu sheegay in dhowaan si rasmi ah loo xayeysiin doono qandaraaska mashruuca, kaas oo loogu tartamidoono hab daah-furan oo waafaqsan hannaanka loo dejiyey.

Sidoo kale guddigu wuxuu soo bandhigay caqabadaha la xiriira biyo-saarka magaalada iyo qorshaha looga gudbi karo, waxaa madasha lagu soo bandhigay saamaynta ay biyuhu ku yeesheen nolosha bulshada, bilicda magaalada, isu-socodka iyo deegaanka, iyadoo isbeddelka cimiladu uu sii kordhiyey baahida loo qabo in Gaalkacyo hesho hannaan casri ah oo lagu maareeyo biyaha.

Intii ay munaasabaddu socotay, qaar ka mid ah shirkadaha waddaniga ah ayaa si toos ah lacag ugu shubay akoonka guddiga mashruuca, waxaana sidoo kale la soo bandhigay shaqsiyaad iyo mas’uuliyiin hore uga qayb qaatay taageerada mashruuca oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaanno.

Madaxweyne Deni ayaa bulshada Gaalkacyo ugu baaqay inay baneeyaan dhulka iyo marinnada dabiiciga ah ee biyuhu maraan, gaar ahaan goobaha laga dhistay dhismayaasha xannibaya socodka biyaha, iyadoo laamaha amnigana la faray in ay arrintaasi kala shaqeeyaan guddiga.

Mashruuca biyo-saarka Gaalkacyo waxaa laga filayaa inuu wax weyn ka beddelo bilicda, nadaafadda, caafimaadka deegaanka iyo isu-socodka magaalada, isla markaana uu qayb muhiim ah ka noqdo horumarinta mustaqbalka Gaalkacyo.

PUNTLAND POST