
Waxaa weli go’aankoodii federaalka ka tanaasulin ciidanka Danab ee hoggaamiyo Gen. Jimcaale Jaamac Takar, kuwaas oo saldhigoodu yahay magaalada caasimadda ah ee Garoowe.
Guddi ka mid ah waxgaradka gobolka Nugaal ayaa ku jira arrinta ciidankan, kuwaas oo dowladda Puntland ka sugayso xalka kama dambays ah.
Guddigan waxay hore u sheegeen in ay xal ka gaareen xiisadda dowladda iyo ciidanka Danab, balse taasi ma dhaqangelin.
Qaar ka mid ciidamadii federaalka ee ku sugnaa deegaannada Puntland ayaa dhawaan dagaal lagu qabtay, halka kuwa is dhiibeen, kuwana ka talaabeen deegaannada Puntland oo u galeen maamullada Galmudug iyo Waqooyi Bari.
Sidoo kale waxaa jira kuwa weli ku sugan deegaannadeeda Puntland, kuwaas oo aan u hoggaansamin hadalkii madaxweyne Deni ee ahaa in ay 48 saac isku soo dhiibaan.
PUNTLAND POST