Madaxweyne Deni oo kulan la qaatay nabadoonnada Mudug

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta magaalada Gaalkacyo kulan kula qaatay nabadoonnada iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Mudug.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay xaaladda guud ee gobolka Mudug, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarka sida mashaariicda horumarineed ee dowladda Puntland ka waddo fobolka Mudug, oo ay ka midyihiin dhamaystirka jidka isku xira Gaalkacyo iyo Garoowe iyo mashruuca biyo-saarka magaalada Gaalkacyo oo dhawaan bilaaban doona.

Madaxweyne Deni ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida, lana dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee wax-ku-oolka u ah bulshada Gobolka Mudug.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan golayaasha dowladda Puntland iyo mas’uuliyiinta gobolka Mudug & kan degmada Gaalkacyo.

PUNTLAND POST