Xagee u guureen ciidankii federaalka ee ku sugnaa Carmo?

Ciidan sheegtay in ay ka tirsan yihiin dowladda federaalka Soomaaliya oo muddooyinkii ugu dambeeyay saldhig ku lahaa degmada Carmo ee gobolka Bari ayaa xalay saqdii dhexe ka guuray halkaas.

Sarkaal ka tirsan ciidankaas oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay u guureen degmada Xumbays ee gobolka Karkaar, isaga oo xusay in ay weli ka amar qaataan dowladda federaalka.

Dhanka kale Puntland ayaa sheegtay in ay la wareegtay saldhigii ay ciidankaas ku lahaayeen degmada Carmo ee gobolka Bari.

Puntland waxay maalmo ka hor 48 saac u qabatay in ay isugu soo dhiibaan ciidamada ka amar qaata federaalka ee ku sugan deegaannadeeda, balse waxaa jira ciidamo aan isu soo dhiibin oo weli ku sugan gobollada Karkaar, Nugaal iyo Mudug.

PUNTLAND POST