Deni oo kulan la qaatay saraakiishii fulisay howlgalkii xerada PSF ee Gaalkacyo

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay saraakiisha kala duwan ciidamada, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiishii fulisay howlgalkii dowladdu kula wareegtay xerada PSF ee Gaalkacyo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda nabadgelyada gobolka Mudug iyo guud ahaan Puntland, iyadoo la iska xog-waraystay xaaladaha amni iyo dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadgelyada iyo xasilloonida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntland.

Madaxweye Deni ayaa saraakiisha ciidamada kula dardaarmay adkaynta nabadgelyada iyo xasilloonida Puntland, isaga oo ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta, feejignaanta iyo gudashada waajibaadka ka saaran sugidda amniga.

Madaxweyne Deni waxaa kulanka ku weheliyey xubno ka tirsan golayaasha kala duwan ee Puntland.

PUNTLAND POST