
Wararka ka imanaya magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa sheegaya in halkaas uu caawa ka dhacay qarax bam oo sababay khasaare.
Qaraxa oo dhacay goob meherad ah oo ku taalla xaafad lagu magacaabo Isha Boorama ayaa sababay dhaawac culus oo soo gaaray ilaa labo qof, kuwaas oo la geeyay isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.
Ciidamada Booliska maamulka Somaliland ayaa si degdeg ku xiray agagaarka qaraxu ka dhacay, iyaga oo wada baaritaan la xiriira dhacdadan.
Laamaha amniga Somaliland weli ka hadlin qaraxa caawa ka dhacay magaalada Hargeysa oo ka mid ah meelaha ugu amniga badan deegaannada Soomaalida.
PUNTLAND POST