
Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Gen. Claude K. Tudor Jr iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kulan la qaatay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howllgallada lagu xoreynayo deegaannada Jubaland iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu ciribtirayo argagixisada, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Jubaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland Maxamed Axmed Sabriye.
Gen. Tudor ayaa dhawaan sidaan oo kale kulamo la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Somaliland, kuwaas oo looga hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo la dagaalanka argagixisada.







PUNTLAND POST