Puntland: Ciidamo aaday dhanka Galmudug

Ciidamo fadhigoodu ahaa xerada Barda-dheere ee waqooyiga Gaalkacyo ayaa xalay saqdii dhexe baneeyay xeradoodii, iyaga oo ku biiray ciidamada Danab ee fadhiya koonfurta Gaalkacyo ee Galmudug.

Ciidamadan ayaa hore u sheegay in ay ku biireen dowladda fedaraalka, iyada oo uu arrintaas ku lug lahaa wasiir ku xigeenka maaliyadda dowladda Soomaaliya Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

Hore waxaa dhanka Galmudug u aaday ciidamo ka tirsan PSF oo ay ku jiraan saraakiishii sare, kuwaas oo hadda ku sugan xarunta ciidamada Danab ee koonfurta Gaalkacyo.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shalay 48 saacadood gudahood u qabtay in ay dowladda isugu soo dhiibaan ciidamada weli ka tirsan dowladda federaalka ee ku sugan deegaannada Puntland.

PUNTLAND POST